Hordhac
Dunida maanta, dhaqaalaha iyo teknoolajiyadu waxay isu beddelayaan si degdeg ah. Waxaa soo kordhaya fursado cusub oo qof kasta uu ka faa’iidaysan karo, xitaa haddii uusan haysan shahaado jaamacadeed ama shaqo rasmi ah.
Mid ka mid ah fursadahaas waa Forex Trading suuqa lacagaha caalamiga ah.
Dhallinyarada Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaysa shaqo la’aan, fursado xaddidan iyo cabsi dhaqaale, waxay u arkaan Forex suurtagalnimo ay mustaqbal ku dhisan karaan.
Laakiin waxaa jira su’aal muhiim ah: “Forex ma dhab baa mise waa khiyaamo? Ma u qalantaa in la barto?”
Maqaalkan wuxuu ku siinayaa faham qoto dheer oo ku saabsan:
Ma noqon kartaa xirfad noloshaada beddesha?
Waa maxay Forex?
Sidee ayuu u shaqeeyaa?
Maxay dhallinyarada Soomaaliya u xiiseynayaan?
Maxaa fursad ah & maxay yihiin halista ku gadaaman suuqyadan maaliyadeed e online ka ah? Qaybta 1: Waa Maxay Forex Trading?
Forex (Foreign Exchange Market) waa suuqa lagu kala iibsado lacagaha adduunka.
Tani waxay ka dhigan tahay inaad ka ganacsanayso isbeddelka qiimaha lacagaha sida:
- USD (Doolarka Mareykanka)
- EUR (Yuro)
- GBP (Boundka British-ka)
- JPY (Yen-ka Japan)
Forex waa suuqa ugu weyn aduunka, halkaas oo in ka badan $7 trillion ay ku wareegto maalin kasta.
Maxaa Forex u gaar ah?
- 24 saac ayuu shaqeeyaa
- Online ayuu ku saleysan yahay
- Qof kasta wuu ka ganacsan karaa
- Ma u baahna raasumaal weyn
Qaybta 2: Sidee Ayuu Forex U Shaqeeyaa?
Forex wuxuu ku shaqeeyaa fikrado fudud:
1. Iibso (Buy) – markaad filayso lacag kor u kici doonto
2. Iib (Sell) – markaad filayso lacag hoos u dhici doonto
Tusaale ahaan:
Haddii aad filayso in Gold (XAUUSD) kor u kici doono → waxaad sameyneysaa BUY.